Muqdisho: Gaari walxaha qarxa laga buuxiyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo uu lahaa Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia.

Gaarigaasi oo uu u jeedkiisu ahaa in lagu khaarijiyo Sargaalkaasi ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Nabadsugida Degmada Waabari.

Gacan ku dhigista gaarigaasi kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada ka hortaga Qaraxyada ee hoostaga Hay’adda Miina Baarista ee loo yaqaan Mine Action oo durbadiiba kula dhaqaaqday furfuritaanka gaariga.

Gaariga ayaa waxa uu yiilay meel aan sidaa uga sii fogeyn buun-dooyinka Degmada Waabari, waxaana la sheegayaa in Xiliga gaarigaasi lagu xiraayay walxaha Qarxa uu Sargaalkaasi goobta ka fogaa.

Dad joogay goobta xiligaasi gaariga lagu xiraayay walxaha Qarxa ayaa Ciidamada amaanka ku wargaliyay in laba dhalinyaro ay gaarigaasi ku xireen Walxaha Qarxa islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Geesta kale, Hay’adda Mine Action ayaa inta badan badbaado u ah Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada ee nasiibka u yeeshay in gaadiidkooda loogu xiro walxaha Qarxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com