XOG: SHARIIF XASAN oo ka maarmaya AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Shariif Xasan Sheikh Aadan madaxweynaha uu ka yahay ee Koofur Galbeed ayaa sheegay iney diyaarinayaan ciidamo gaar ah oo la wareega amaanka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka Dhaqan celinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka, Xasan Xuseen Maxamed “Eelaay”, ayaa warbaahinta ka sheegay iney diyaariyeen ciidamo gaar ah oo sugaya amaanka deegaanada Baay iyo Bakool kuwaasi oo haatan tababar uu u socdo.

Wasiirka ayaa sheegay in Shabeelaha Hoose oo kamid ah deegaanada uu ka arimiyo maamulkooda loo diyaarinayo ciidamo gaar ah oo la wareegaya deegaanada ay baneeyaan ciidamada AMISOM.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay in goob walbaa oo kamid ah deegaanada maamulka koofur galbeed loo diyaarinayo ciidamo maamulka ka amar qaata si amaanka loo xaqiijiyo.

“Shabeelaha Hoose waxaan rajeyneynaa inaan geyno ciidamo gaar ah oo la wareegan guud ahaan amaanka gobolka iyo deegaanada ay ka baxaan ciidamada AMISOM”ayuu yiri wasiirka.

Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose waxaana uu wadaa latashiyo kala duwan oo ku aadan arimaha soo xulista baarlamaanka iyo amaanka gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com