Maxaadan ogeyn oo iminka ka socda Baydhaba?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed uu meel dhexe marinaayo qorshaha cusub ee lagu dhisaayo Bangigii hore ee Baydhabo.

Xasan Ibrahim oo ah Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia , ayaa sheegay in Maamulka uu faraha kula jiro qorshaha lagu soo celinaayo dhismaha Bangiga waxa uuna Tilmaamay in qorshahaasi ay ka qeybqaadanayaan Dowlado iyo Hay’ado caalami ah.

Waxa uu sheegay in Maamulka uu ka maarmi doono adeegsiga Bangiyada kale, waxa uuna intaa raaciyay in ujeedka loo taabagalinaayo Bangiga uu yahay in xal loo helo miisaaniyada Maamulka usoo xarooneyso.

Qorshaha ayaa ah in Bangiga dib loo furo goortii ay soo idlaato dayactirka iminka socda oo bilow ah.

Geesta kale Dayactirka bangiga, ayaa waxaa maamulka Koonfur Galbeed gacan ka siiyey dowladda Denmark.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com