Madaxii Amisom oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa Ururka Midowga Africa ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Madaxii AMISOM, Amb. Maman Sadiku, waxaana lagu bedelay. Amb. Francisco Kitana oo u dhashay dalka Mozambiquie.

Xil ka qaadista ayaa loo badinayaa in aay ka timid markii uu Amb. Sadiku uu booqasho ku yimid dalka Mareykanka halkaasoo uu kula kulmay jaaliyadda Soomaalida ee deggan gobolka Minnisota. Safiirka ayaa ku dhaliilay Soomaalida in aay iyaga farahooda ka bixiyeen gobonimadoodii, taasoo buu yiri in madaxda dowladda Federalka iyo kuwa Gobolada aay u kala dhuuntaan Itoobiya. Waxaa caada noqotay beryahan danbe in qofkii wax ka sheego siyaasadda Itoobiya ama la xiro ama xilka laga qaado.

sadiku1

Halkan ka dhegeyso