Sawirro: Maxay noqotay talaabadii ugu horeysay ee uu qaado taliyaha cusub ee ciidamada xooga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sareeye Gaas Maxamed Aaden Axmed oo ah Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta kormeeray Xarumo ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Xooga dalka.

Taliyaha ayaa inta uu Kormeerkiisa ku guda jiray Saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga ka dhageystay warbixino la xiriira xaalada guud ee Ciidamada, Baahiyaha Ciidamada iyo dhibaatooyinka ugu badan oo ay ka tabanayaan Ciidamada.

Kormeerkiisa ayaa ugu muhiimsanaa inuu waxbadan ka ogaado xaaladda dhabta ah ee ay Ciidamaddu ku shaqeeyaan, waxaana uu taliyihu booqdey Dhismooyin ay Ciidamada leeyihiin oo ku burburay dagaalladii wadanka ka dhacay.

Kormeerida kadib ayaa waxa uu kulan muhiim ah la qaatay Saraakiil ka socota dawladda aanu walaalaha nahay ee Turkiga kuwaas oo gacan siiya taliska Ciidanka Xoogga dalka Somalia.
taliyaha militeriga

t2

t3

t4

t5

t6

t7