Wariyeyaashii Universal oo lasii daayey kaddib…

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa dhowr daqiiqo ka hor dib xorriyadoodii u helay wariye sare Cawil Daahir Salaad iyo Agaasimihii TV Universal ee geeska Africa Cabdulaahi Xirsi Kulmiye. Wariyaha Caasimadda Online oo iminka ku sugan xarunta Nabadsugida ayaa weydiiyay Wariye Cawil sida uu yahay Dareenkiisa. “Aad baan u ladanahay intii aan xirneyna si fiica bey noola dhaqmeen ciidanka nabadsugidda, waxaanan u mahad celinaayaa intii ka qeyb qaadatay in aan helno xoriyadeena”

TV Universal Xaruntiisa Xamar ayaa weli xiran, mana la oga in dib loo furi doono. Wariye Cawil iyo Cabdulaahi ayaa lagu wadaa in aay dhowaan saxaafadda la hadlaan.

Wixii soo kordha dib ayaan idiinkala soo socodsiin doonaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@Live.com