Gurmad oo war culus kasoo saartay suxufiyiinta

GurmadLogo

War Saxaafadeedka Gurmad ee Wariyayaasha Dhowaan Muqdisho lagu Xiray

Gurmad wuxuu cambaaraynayaa xarigga lagula kacay weriyaha Cawil Daahir Salaad iyo Agaasimaha xafiiska telefishinka Universal ee Muqdishu, Cabdullaahi Xirsi.

Sida warbaahintu aadka u faafisay, 2dii Oktoobar, 2015 ayaa goob dadweynuhu ka soo qaybgaleen waraysi ku saabsan xaaladda siyaasadda dalka looga qaaday laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyada oo  hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku (NISA) ay weerartay xafiiska Universal TV ee Muqdisho xarigna u geysatay laba muwaaddin isla markaasna amartay in xafiiska la xiro illaa amar dambe.

Waraysiga waxay labada xildhibaan ee kala ah Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Saxaafadda iyo Isgaarsiinta, iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf ay soo bandhigeen in ay walaac fara badan ka qabaan jidka gurracan ee ay Soomaaliya ku socoto. Waxay si cad u qeexeen in madaxda dowladdani – in kastoo warqadaha lagu qoray in laga baxay ku meel gaarkii – ay haddana si ula kac ah isugu dhiibeen qarannimadii dalkana gacanta u geliyeen dalka deriska ah ee Itoobiya iyo madaxa xafiiska Qarammada Midoobay (UNSOM). Labada xildhibaan ee sharafta lihi waxay tilmaameen sida madaxda dalku  uga baqayaan in ay dalbadaan madaxbannaanida siyaasadeed iyo muqaddasnimada xudduudaha qaranka. Waxay tusaale cad ku muujiyeen in aanay geli karin goobo ka mid ah caasimadda dalka oo ay dalka joogaan dad iyo hay’ado shisheeye ah oo aan la aqoon waxa ay ka hayaan. Waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay dib u soo ceshadaan xuquuqdooda siyaasiga ah iyo aaya-ka-talinta dalkooda.

Geesinnimada ay xildhibaannadaasi muujiyeen, qiimaynta cad ee ay sameeyeen, iyo sumcadda waddaninimo ee ay leeyihiin xildhibaannadan sharafta leh awgood, waxaa si degdeg ah u faaftay farriintii ay direen. Jawaabtii ay dowladdu bixisay waxay noqotay in ay dhibaatayso warfidiyeenkii iyo warbaahintii ay ka hadleen halkii ay dowladdu jawaab ka bixin lahayd welwelka ay xildhibaannadu ka muujiyeen qarannimada godka ku dhacday. Waxaynu hoosta ka xarriiqaynaa in dhaqdhaqaaqa Gurmad uu qabo walaac la mid ah kan ay qeexeen Mudane Cabdi Xaashi iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf maaddaama qarannimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya ay gundhig u yihiin mabaadii’da uu Gurmad u doonayo. Waxaynu cambaaraynaynaa tillaabooyinka aan sharciga waafaqsanayn ee hay’adaha nabadgelyadu qaadeen waxaynuna caddaynaynaa in ay xad gudub ku yihiin dastuurka Soomaaliya oo damaanad qaadaya xorriyadda hadalka iyo warbaahinta. Tillaabada ay dowladdu qaadday waxaa loola jeedaa in lagu cabburiyo mucaaradka laguna wiiqo xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka.

Xaaladda waxaa sii murjiyay markii 6 Oktoobar 2015 ay NISA soo saartay warbixin ku tilmaamaysa labada weriye iyo saxaafadduba in ay yihiin dembiilayaal garab taagan argagixisada Soomaaliya. NISA oo ka mid ah hay’adaha fulinta ee dowladdu marna xaq iyo awood dastuuri ah uma laha in ay dejiso oo fasirto xeerka dembiyada ee Soomaaliya. Xitaa wixii go’aan ah ee ay hay’addu gaarto waa in maxkamadi eegto. Awood uma lahan in ay si sharci darro ah muwaaddiniinta uga qaaddo xorriyaddooda iyada oo aan nidaamka sharciga ah la marin. Haddii ay NISA hayso caddayn ku filan waxay ahayd in wariyayaasha la hor geeyo maxkamad iyada oo aan waxba loo dhimin sumcadda warfidiyeenka oo aan loo cagajugleyn saxaafadda. Si dalku u dhiso bulsho madax bannaan, waa in hay’adaha dowladda, oo uu madaxweynuhu ka midka yahay, la dhaliili karo laguna maadsan karo haddii warkaas si habboon loo yiraahdo.

Arrintani waxay qayb ka tahay tillaabooyin badan oo is dabajoog ah oo dowladdu ku curyaaminayso oo ugu cagajugleynayso saxaafadda. Tillaabooyinka caynkan ah waxay shaki weyn gelinayaan in dowladdu ay diyaar u tahay dhismaha nidaam dimuqraadi ah iyo sarreynta sharciga.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed iyo dadka damiirka leh ee caalamka daafihiisa in laga gilgisho arrimahan aan xornimada waafaqsanayn ee ay dowladdu ku kacday. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka in ay ku cadaadiso dowladda Soomaaliya in si degdeg ah ay u sii deyso weriyayaashan sida gefka ah xorriyaddooda looga qaaday oo dib loo furo xafiiska Universal TV ee Muqdisho. Tallaabadani waa awood sheegasho, sidaas awgeedna looma dulqaadan karo. Sida ay dowladdu ula dhaqanto warbaahintu waa sida ay shacabka ula dhaqanto. Taariikhda adduunka guud ahaan, dowladaha aanay danta guud kala muhiimsanayn danaha kale oo dhan ayaa lagu yaqaannaa in ay hay’adahooda nabadgelyada u adeegsadaan cabburinta saxaafadda iyo faafreebka wararka si loo sii wado danaysiga gaarka ah ee magaca dowladda lagu fushanayo.

Guntii, waxaan adkaynaynaa sida ay muhiim u tahay in la dhowro nabadgelyada iyo bedqabka maxaabiistan iyo xildhibaannada geesiyaasha ah.

 

Kala xiriir wixii macluumaad ah emailka info@gurmadsomalia.org ama
boggooda internetka http://www.gurmadsomalia.org