Xildhibaanada kasoo horjeeda Xasan oo bilaabay qorshooyin cusub oo ay uga guuleysanayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – yadoo uu meel adag maraayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa waxaa hadana la sheegayaa in Mooshin wadayaasha ay damacsan yihiin qorshooyin cusub.

Xildhibaanada ayaa wada qorshooyin ay uga faa’iideysanayaan maqnaanshiyaha Ra’isul wasaaraha, waxa ayna doonayaan in maalmaha ka harsan imaanshiyaha R/WCC ay Xassan uga adkaadan dhanka warbaahinta iyaga oo soo bandhigaayo dhamaan dol doleelada Xassan.

Xogta ayaa intaa kusii dareyso in xildhibaanada ay ku adkeystaan mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweyne Xassan Sheekh oo marnaba aysan ka tanaasulin mowqifkooda.

Sidoo kale xogta ayaa tibaaxeysa in xildhibaanada ay doonayaan iney sii kordhiyaan kulamadooda joogtada ah islamarkaana ay ka horyimaadaan qorshaha gudoomiyaha baarlamaanka ee lagu dhameynayo mooshinka.

Dhinaca kale, Mooshin wadayaasha ayaa isla qaadadhigay in mudada gaaban ee u harsan aysan wax kulan ah la qaadan Xildhibaanada kale ee kasoo horjeeda iyo dhamaan cid waliba oo taageersan Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com