Axmed Madoobe oo ka aarsanaya Shariif Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulkaJubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa siyaasad cusub la ciyaaray madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadaan isagoo ka aarsanayay buuqii lagu furay xiligii uus oo dhisayay xubnaha baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa adeegsaday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ay isku beel yihiin kuwaasi oo dhawaan tagay deegaanada Yeed iyo Ceelbarde si ay kacdoon cusub kaga abuuraan beelaha daga halkaasi.

Xildhibaan C/Wahaad Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo beel ahaan is xigaan Axmed Madoobe ayaa kamid ah xildhibaanada tagay Ceelbarde islamarkaana waxgaradka deegaanka ka dhaadhiciyay ineysan ku qancin qaabka loosoo xulayo baarlamaanka koofur Galbeed.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay iney ku guuleysteen ahdaaftii ay u tageen degmada  Ceelbarde ee gobolka Bakool, oo dadka halkaasi jooga ka dhaadhiciyeen ineysan ku qancin nidaamka soo xulista xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in safarkoodii Ceelbarde uusan aheyn mid siyaasadeysan balse ay la tashiyo u tageen Ceelbarde.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com