XOG: Guddoomiye Jawaari oo qasri loo dhisayo

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa wuxuu ahaa mas’uul ay u hanweynaayeen dadweynaha Soomaaliyeed markii uu qabtay xilka guddoomiyenimada Baarlamaanka.

Waxaa loo maleynayey in Jawaari uu dhaami doono Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Aadan Madoobe oo horey xilalkaas u soo qabtay, ahaana niman ka haray qabqablayaashii dagaalka.

Jawaari ayaa noqday nin lagu hungoobay, wuxuuna caado ka yeeshay inuu adeego u noqday Xasan Sheekh oo uu jeebkiisa ku dhacay. Waxaa wax lala yaabo noqotay in mar kasta oo khilaaf sharci ah uu dhasho uu Jawaari dalbado in lagu kala baxo “meel dhexe”.

Bal akhri warqadda uu u qoray Xeer Ilaaliyaha Qaranka. Wuxuu Jawaari warqadda ku dalbayaa in lagu kala baxo meel dhexe, taas oo la mid ah tii uu dalbaday markii loo gudbiyey motion-kii ka dhanka ahaa Xasan Sheekh.

Jawaari_Warsaxaafadeed

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Jawaari iminka lagu abaal-mariyey guri qasri ah oo looga dhisayo Baydhabo, taas oo ah hor istaagistii uu ku sameeyey motion-kii ka dhanka ahaa Madaxweynaha.

Dhismaha qasrigaas, ayaa waxaa ku bixi doona lacag badan, waxaana bixinaya madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com