27.2 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Gaas: 3 Sabab dartood ayaan u ogolaaday 4.5.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa kasoo muuqday Telefishanka Puntland, isaga oo shacabka ku hoos nool deegaanada maamulka la wadaagay fikrada ku aadan aqbalida nidaamka 4.5.

C/wali Gaas, ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta uu u qaatay nidaamka 4.5, waxa uuna tilmaamay in aqbalida nidaamkaasi uu yahay mid markii danbe qasab ku noqday Puntland.

Gaas oo shacabka Puntland la wadaagaayay aragtidooda ayaa waxa uu sheegay in aqbalida 4.5 uu wado wacan u furaayo Somalia oo idil, waxa uuna tilmaamay in muhiimadu ay tahay in labada dhan ay isla fahmaan qodobo ay maslaxad ku jirto.

Waxa uu tilmaamay in isaga iyo Xubnihii ku wehlinaayay wada hadalka ay is tuseen in sadex qodob mid kood inay qaataan, sadex daas qodob oo kala ah:-

In Punland ay ka go’do Soomaaliya in teeda kale, In afarta sano ee doorashada lagu salaynayo 4.5-ka ay Puntland banaan istaagto oo aysan waxba ku darsan, In Puntland DFS la gasho heshiis bur-burin kara diidmada 4.5ka.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in isaga iyo xubnaha ku wehlinaayay wada hadalka ay juhdi badan ku bixiyeen sida ay Shacabka Puntland ugu soo qaadi lahaayen qodobo u cuntama, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay ku qasbaneyd inay qaadato 4.5, kadib cadaadin dhinacyo dhowr ah laga soo saaray.

Puntland ayuu sheegay inaysan ka weyneyn Somalia, sidaa aawgeedna iyaga oo fiirinaaya maslaxada guud iyo tan gaarka u ah Puntland ay isla arkeen in la qaato 4.5, balse Dowladu ay iyaduna aqbasho in Puntland loo ogolaado qodobo dhowr ah.

Madaxweyne C/wali Gaas, waxa uu Telefeshinka ka cadeeyay in marnaba Puntland aysan Soomaaliya inteeda kale ka go’i karin, sidaa darteedna ay muhiim noqotay heshiiska la gaaray, beesha caalamka ayuu tilmaamay inay aqoonsadeen kaalinta Puntland kaga jirto Soomaaliya inteeda kale.

Gaas waxa uu shacabka dhaliilsan fikrada lagu aqbalay 4.5 ka dalbaday in tanaasul ay u muujiyaan masladaxa guud ee Somalia, islamarkaana ay ku qancaan marxalada soo dadajisay in Puntland ay ugu danbeyntii qaadato 4.5.

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya iyadoo inta badan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Puntland ay si cad uga soo horjeesten Heshiiska ay Puntland ku aqbashay 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News