Sidee C/WELI GAAS u qiyaanay reer Puntland?

Cabdiweli Gaas Waa Musiibo Qaran‏

Musiibo Qaran waxaa inta badan lala xiriiriyaa aafooyinka dabiiciga ah oo geysta khasaaraha xad dhaafka ah oo aan la qiyaasi karin oo dhan walba ah, sida dhul-gariirka, duufaanaha, daadadka iyo cudurada warjeefeenka ah oo dhakhsaha dad badan u xaaqa.

Laakiin mararka qaarkoodna waxaa sababi kara tabaabusho la’aan ama qorshe xumo,  khaladaad dad sameeyey, ama dayacaad iyo xilkasnimo xumo dad la isku haleeyey oo xilkoodii gabay.

Waana tan aakhirkii maanta ku dhacday Puntland markii 3da April, 2016, Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ka doortay wacadkii uu u maray Xasan Sh. Maxamuud kii uu u maray dadkiisa, macne ahaana buurburiyey Dastuurkii lagu heshiiyey iyo nidaamkii federalism-ka ee la qaatay markuu yeelay wareegtadii ka soo baxday Xasan Sh. Maxamuud oo isagu noo dooray in wax lagu doorto 4.5.

“Raganimo waxaa iiga haray dhaga-adayg”, buu Cabdiweli yiri, mar uu Jaalliyadda Soomaaliyeed kula hadlayey Columbus, Ohio, USA laba toddobaad ka hor.  Ma wuxuu ka wadey inuu dadkiisa ku dhaga-adaygo? Bal adba!

In muddo ahba, sidii Puntland hoggaankeeda uu u qabtay Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Puntland waxaa ka dul dhaqaaqi la’ daruuro madow oo marba marka ka dambaysa soo xoogaysanayey. Waxay noqotay meel daleel ah oo cid walba u dayacan.

Cabdiweli wuxuu noqday hoggaan maqnaanshihiisu ka faa’iido badan yahay joogitaankiisa.

Bal daya sida sharafta leh ee Puntland isu difaacday Dr. Cabdiweli oo ka maqan oo ku soo guryonoqday North America, kana soo baxsadey ama dadka reer Puntland oo si kal iyo laab ah u rumaystay inuu yahay “Nin lagu seexdow ha seexan”, ka dhuminayey wakhtigii ay kaga tabaabushaysan lahaayeen ama kaga tashan lahayeen booraanta uu u qarinayey waxna ka ogaa.

Goor ay xeeriyo fandhaal kala dhaceen ayey waxay ogaadeen Cabdiweli iska daa in lagu seexdee inuu la mid yahay dhacdadii la yaabka badnayd ee eeygii (watch dog) aan ciyin ama qaylin markii loo soo dhacay gurigii uu waardiyaha ka ahaa. (“The curious case of the dog that did not bark.”).

Su’aasha la is weydiinayaa waxay tahay maxay samaynayaan dadka reer Puntland maanta oo ay dhammaantood u Caddaatay inuu ahaa Trojan’s Horse, oo lagu soo haluushey ama isaga loogu soo dhex dhuuntay markii Puntland si kale lagu soo hollin waayey?

Maxay samaynayaan Xildhibaanada ama wakiilada matalaya shacabka Puntland oo mugdiga lagu wado aayahooda iyo jiritaankooda oo iyagu iska leh awooda ay ku joojin karaan go’aanka ka soo horjeeda jiritaanka iyo dastuurka Puntland?

Sidaan ma ku aamusnaan karaan iyagoo sheeganaya xildhibaano? Maya! Maya! Maya!

Gabadh ka caraysan beenta iyo khiyaanada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxay tirri arrintaan waa in laga daba tagaa, markaas ayaa nin is yiri gabadha deji, ayaa yiri balaayo ka hor-tag bay leedahaye ka daba-tag ma laha. Gabadhiina waxay ugu jawaabtey “Puntland Balaayada waa laga hortagaa waana laga dabatagaa.”

Waa diidaynaa daba-maryaynta waxay doonayaan dadka Puntland iyo dabada ku qarsashada waxay diidayaa.

W/Q: Cabdulle Muuse

jumbur@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com