GAAS, Axmed Madoobe iyo Xaaf oo ka tashanaya xubnaha ay waayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in madaxweynayaasha ku haray golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay ka yashanayaan xubnaha muhiimka ah ee ay waayeen.

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo kusoo haray golahaan ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay taleefoonka ku wada hadleen, iyaga oo ka arinsanaya xaaladda kusoo korortay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Waxaa la filayaa inay soo saaraan war qoraal ah oo ay kaga hadlayaan iscasilaadii Shariif Xasan Sheikh Aadan oo timid kadib heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya, iscasilaadii Afhayeenka golaha iyo weyntii ay waayeen Maxamed Cabdi Waare.

Waxaanan la ogeyn halka xaalkooda ku dambeyn doono, maadaama ruuxii ay sida weyn isugu haleynayeen uu shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka musharaxnimada iyo madaxweynaha Koofur Galbeed.

Lama oga inay kulan gaar ah yeelan doonaan madaxdaan iyo inay soo saari doonaan qoraal ay ku cadeynayaan mowqifkooda iscasilaadii madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com