Musharaxiinta K/Galbeed oo dalbaday in dib loo dhigo doorashada (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay musharixiinta la magac baxay golaha isbadal doonka Koofur Galbeed ayaa waxay kusoo dhaweeyeen iscasilaadii uu sameeyay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Qoraalka ayaa waxay ku sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg ah loo soo dhameystiro xubnaha iska casilay xilka guddiga doorashada Koofur Galbeed, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in howlaha sidoodii u socdaan.

Waxay golahan musharixiinta ah dalbadeen in dib loo dhigo waqtiga doorashada, laakiin ma aysan sheegin muddada ay wanaagsan tahay in doorashada Koofur Galbeed dib loo dhigo, qorshahaan waxaa damacsanaa Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Waxay codsi u direen beesha caalamka, iyaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor, waxaa sidoo kale ay dalbadeen musharixiinta in la sameeyo guddi madax banaan oo la dagaalamo Musuq maasuqa doorashada.

Hoos ka akhriso Qoraalka ay soo saareen Musharixiinta Koonfur Galbeed Qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com