Kheyre: Waa nalaga aamini waayey go’aankii xiisadda carabta hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Xasan Cali ayaa ka hadlay mowqifka xukuumaddiisa ee khilaafka dowladaha Khaliijka.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay gaartay go’aan la mid ah mowqifyo ay qaateen dowlado badan oo uu ka carrab dhabay dowladaha dariska, Ingariiska iyo Faransiiska.

“Waxaan ku soo beegannay iyadoo wadamada Khaliijka dhexdooda uu khilaaf ka jiro, waxaan isku daynay inaan gaarno go’aan dhexdhexaad ah oo ay gaareen dowladaha dariska ah oo ay kamid yihiin Itoobiya, Kenya, Uganda, Tanzania, Norwey, Ingariiska oo Faransiisku gaaray.” Ayuu sheegay RW Kheyre.

“Waan naga la diiday annaga ama waa la aamini waayay in la aqbalo sababtoo ah waxay iyaduna salka ku heysay dhaqan horey oo la soo dhaafay, iyaduna waxay salka ku heysay musuqmaasuq, iyaduna waxay salka ku heysay qaab dhaqameed ah in dunida ay aaminsan tahay in go’aan walba oo aad gaarto lagaa beddali karo, sababtoo ah si uun baa laguu musuqmaasuqi karayaa” ayuu yiri Raysal Wasaare Cali Xasan.

Mudane Xasan Cali ayaa intaas raaciyay in qorshahaasi uu ku saleysnaa in madaxda qaranka la kala qeybin karo.

Hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda FS Xasan Cali ayaa imaanaya iyadoo wali khilaafkii Khaliijka uu sidiisa u taagan yahay, kaasoo saameyn ku yeeshay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Saameynta, uu yeeshay khilaafkaasi waxaa kamid ah kala qeybsanaan soo kala dhex gashay dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ee gobollada kuwaasoo illaa maanta khilaaf soo jiitamaya uu ka dhaxeeyo walina aan loo helin xal.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA KHEYRE

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com