Daawo Video: Saudi Arabia oo gashay xaalad halis ah iyo arrin laga cabsi qabo

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa gashay weji halis ah, kadib markii la ogaaday in dilka suxufi Jamaal Khaashuqji ay fuliyeen ciidamo amni oo gaar ah, kuwaas oo bil ka hor ka tegay magaalada Riyadh, islamarkaana tegay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Waxaa sidaas weriyey wargeyska New Yorker ee Mareykanka kasoo baxa.

Wargeyska ayaa qoray in inkastoo wax badan ay iska cad yihiin, haddana weli ay jiraan faah-faahinno jawaab u baahan, sida halka la geeyey meydka Jamal Khaashuqji, iyo in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu yahay ninkii amray dilka.

Waxaa taas dheer, in qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Maxamed Al-Cutayba, oo wax badan ka ogaa arrintan uu Turkiga ka tegay laba toddobaad kadib kadib markii qunusliyaddiisa lagu dhex dilay Jamaal Khaashuqji.

“Si is-daba jog ah ayay uga been sheegeen dilka Khaashuqji iyo ku lug lahaanshaha xubnaha sare ee boqortooyada ee kiiskan, sidaas darteed ma jirto sabab loo qaato in Sacuudiga aysan ka warhayn halka uu jiro meydka” ayaa lagu yiri faallada New Yorker.

Su’aal kale oo wargeyska is-weydiiyey ayaa ahayd “Maxaa Maxamed Bin Salmaan uu ugu adkeysanayey ka aamusnaanta kiiska Khaashuqji”

Wargeyska ayaa dhinaca kale maamulka madaxweyne Donald Trump ku eedeeyey inuu waxba ka qaban in la helo runta kiiska Khaashuqji, sababtuna ay tahay in uu yahay kan ka dambeeya Maxamed Bin Salman, oo muhiim u ah qorshaha Aqalka Cad ee Bariga Dhexe.

Arrimahan oo idil, ayaa wargeyska uu leeyahay, waxay carro ka dhex abuureen gudaha boqortooyada, hase yeeshee waxaan weli jirin awood meesha looga saari karo Maxamed Bin Salmaan, oo cid kasta oo ka hor-timaada xabsi u diraya.

Warbixintan oo Muuqaal ah daawo, ama qoraalka hoos kasii aqriso


Carrada haddii ay sidan ku socoto waxaa ka dhalan doontaa in boqortooyada kala jabto, waxaana muuqata in qoyska xukuma Sacuudiga uu galayo weji halis ah” ayuu lagu qoray wargeyska New Yorker.

“Shaqaaqooyinka Sacuudiga ma lahan hab siyaasadeed oo looga baxo oo aan ahayn awood” waxaa sidaas yiri Bruise Reidel” oo ah khabiir ku taqasusay arrimaha Bariga Dhexe.

Dhinaca kale, Amiirka Sacuudiga ee dibad jooga ah, Khalid Bin Farhan Al Saud ayaa sheegay inuu jiro qorshe socda oo la doonayo in afgambi loogu sameeyo boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin Salmaan.

“Waxaad dhowaan arki doontaa afgambi ka dhan ah boqorka iyo dhaxal-sugaha” ayuu yiri Khalid Bin Farhan Al Saud, oo ka hadlayey dilka Jamaal Khaashuqji, oo ahaa suxufi kasoo horjeeda boqortooiyada.

Khalid Bin Farhan Al Saud, ayaa shaaca ka qaaday in Khaashquji uu qorsheynayey inuu qoro buugiisa xusuus qorka, kaasi oo sir badan shaaca ka qaadi lahaa, taasina ay tahay sababta loo dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com