Is-casilaada Shariif Xasan oo laba arrin uga dhigan Axmed Madobe iyo golaha

Sidii maalmahanba la hadal hayey waxaa si rasmi ah uga tanaasulay in uu dib isu sharraxo Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shikeh Aadan kaddib shir jaraa’id oo uu madaxtooyadiisa ku qabtay.

Tallaabadan uu qaatay Shariif Xassan ayaa timid kaddib cadaadis ba’an oo uga yimi dhinaca dowladda Federaal-ka iyo murashixiinta loolanka kula jira.

Hadaba maxay is-casilaadda Shariif Xasan uga dhigan tahay Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada?

Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeyey dowladda dhexe ayaa shirkoodii ugu dambeeyey Shariif Xassan ugu doortay in uu noqdo gudoomiyahooda.

Yeelkeede, hadda oo uu is casilay ayey su’aashu tahay ayaa ah “Gudoomiyaha” Golahaas?

Go’aankaas waxa uu ku noqday Golaha Iskaashiga laba dhabar jar.

1 – Waxaa wiiqatan tahay awooddii Golaha Iskaashiga Maamulada, oo waxaa meesha ka baxay xubn muhiim u ahaa, xilli golaha uu markii horeba waayey madaxweynaha HirShabelle.

In Shariif Xassan looga adkaaday loolankii siyaasadeed ee Baydhabo kama dhigna oo qura in isaga laga taqalusay, hase ahaatee, waxaa si weyn u kala daatay Golihii Iskaashiga ee uu madaxda ka ahaa. Waxay tani abuureysaa cabsi ku saabsan waxa kusoo socda xubnaha kale ee golaha.

2 – Waxaa go’doon siyaasadeed galay Axmed Madoobe

Tallaabada uu qaaday Shariif Xassan waxa ay nabar iyo naxdin ku noqotay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo u muuqda mid cidla ku soo dhici doona.

Dowladda waxa ay hore u kala dhantaashay Golaha Iskaashiga kaddib markii ay la heshiisay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cadi Waare.

Sidoo kale waxa ay si weyn u wiiqday awooddii Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo laftiisa hadda u muuqda mid ugu dambeyn is casili doona maadama uu garabkiisa ka waayey, ku xigeenkiisa, gudoomiyihii baarlamanaka iyo waliba madaxidii Golaha Xukumadda.

Dhinaca kale Puntland wax ay dhawaan yeelan doontaa Madaxweyne Cusub taas oo gebe’ahaanba go’doomin doonta Axmed Madoobe.

W/Q: Mahad Cabdullaahi Diini
Nairobi, Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid