GAAS iyo Axmed MADOOBE oo HANJABAAD u jeediyay madaxweyne Xasan iyo Garoowe oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay inuu tagayo.

Ujeedada safarkiisa ee magaalada Garoowe ayuu ku sheegay iney tahay sidii ay kaga arinsan lahaayeen khilaafka labada maamul kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay iney maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayna go’aan cad kasoo saari doonaan wadahadalkooda.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali gaas ayaa dhankiisa sheegay in safarka Axmed Madoobe ee Garoowe ay muujineyso xiriirka ka dhaxeeyo Puntland iyo Jubba.

Wuxuu si cad u sheegay iney wanaajin doonaan xiriirka ka dhaxeeyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, sida uu sheegay madaxweynaha maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com