Xog: R/W Cumar oo ku biiray Isbaheysiga GAAS iyo AXMED MADOOBE (Muxuu qorsheynayaa?)!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu wado qorshe uu ku tagayo magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland si uu kaga qeyb galo kulamo halkaasi ka dhacaya.

Inkastoo aan la xaqiijin haddana wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha qorsheynayo in maalinta beri ah uu tago magaalada Garoowe, halkaasi oo ay ku kulmayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa ujeedada safarka Cumar C.rashiid tahay sidii dhinacyada ku kulmaya magaalada Garoowe uu kaga qeyb galaa shirka labada dhinac kaga tashanayaan kasii mid ahanshaha nidaamka federaalka Soomaliya oo ay qaadatay dowlada Soomaaliya.

Cumar C.rashiid oo sawirkiisa qabyaalad darteed looga reebay banaanbaxyadii lagu bahdilay madaxda dowlada ayaa bah wadaag la ah Gaas iyo Axmed Madoobe maadaama ay isku heyn yihiin, waxaase laga filayay inuu qaran Soomaaliyeed u shaqeeyo.

Wuxuu marar badan u laalaabtay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo isagoo hishisyo kala duwan kasoo saxiixayay dadka uu kula kulmayay magaalooyinkaasi, kuwaasi oo waxba aysan kasoo bixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com