Axmed Madoobe oo wasiirada DF SOMALIA kala soocay (ARRIN yaab leh oo uu ku dhaqaaqay) !!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu ku kala qeybinayo xubnaha golaha wasiirad xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu qaarkood ogolaaday inay tagaan magaalada Kismaayo, qaar kalena u diiday.

Maamulka Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay bishii hore inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka kadib murankii ka dhashay mooshinkii Baarlamaanka Federaalka u qaaday baarlamaanka Jubba oo sharci darro uu kadhigay ayaa u ogolaaday inay Kismaayo tagaan xubni ay isku jufo yihiin oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha C/rashiid Xiddig oo Kismaayo tegay 4-tii bishan July. Waxaa kaloo Kismaayo tegay wafdi uu horkacayo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo laga soo xigtay inuu laf ahaantiisa ku tegay Kismaayo qaab qaraabonimo ah.

Dhinaca kale maamulka Axmed Madoobe ayaa ka hor istaagay in wasiiro iyo madax ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay u tagaan Kismaayo arrimo shaqo sida Burci Maxamed Xamza oo ah wasiir ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, wasiirka Caafimaadka Xaawo Maxamed iyo wasiirka qorsheynta C/raxman Ceynte oo dhamaantood doonayay inay Kismaayo tagaan, balse maamulka Axmed Madobe ka cudurdaartay.

Arrintan ayaa loo arkaa inay tahay wejiga xun ee qabyaaladeed oo federaalka noociisa Soomaaliya oo kaliya ka jiro ku socdo, waxaana hore u jirtay in maamulka Axmed Madoobe ay joojiyeen qorshihii isku dhafka ciidamada ee wasaarada gaashaandhigga ka waday jubooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com