Dhageyso Cabdi QEYBDIID: Reer Puntland, Gaas miyirku waa ka tagee, idinku yaanu idinka tegin !!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, ayaa waxa uu Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas uu ku eedeeyay inuu dagaal sokeeye ka hurinaayo Gobolka Mudug. Dhanka kale waxa uu sheegay in miirkii uu ka tagey C/weli Gaas, sida uu yiri.

Waxa uu Maamulka Puntland uu ku eedeeyay inay Warbaahinta ka jeedinayan hanjabaado iyo eedeymo ka dhan ah Maamulka Galmudug, xilli uu sheegay in Galmudug ka gaabsatay inay ka falceliso hanjabaadahaasi.

Waxa kaloo uu sheegay Galmudug inay dulqaad iyo dadaal muujisay, isla-markaana ay gacmaha ka laabatay wixii cago jugleen ahaa ee kaga imaanaayay Maamul Goboleedka Puntland, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu Puntland ugu yeeray inay ka fogaato dacyaacad uu sheegay inay ku hayso Galmudug, si looga fogaado in dadka la kiciyo, laguna dhiiro-geliyo inay hubka qaataan.

Cabdi Xasan Cawaale, ayaa ku waramaaya in dad wada dhashay oo deegaan ay yihiin bulshada Galmudug iyo Puntland, waxa uuna ka digay in colaado cusub laga dhex abuuro.

General Cabdi Qeybdiid, ayaa wuxuu ku goodiyay inaanay markaan Galmudug gacmaha ka laaban doonin cago jugleenta kaga imaanaysa sida uu sheegay Maamulka Puntland, ee uu hogaamiyo C/weli Gaas.

General Qeybdiid, ayaa hadalkan ka sheegay Xerada Ciidanka Daraawiishta Galmudug ku lee yihiin Koonfurta Magaalada Galkacayo Ee Xarunta Gobolka Mudug.