Cabdi Weli Gaas: “Farmaajo meesha uu ka raadinayo xalka Somaliland ma jiro”

Brussels (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga hadlay qaabka loo wajahayo wadahadalka lagula jiro maamulka Somaliland.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inuusan xalka ku jirin sida uu Farmaajo u wajahayo sidii Somaliland loogu qancin lahaa inay Soomaaliya kasii mid ahaadaan.

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi uusan go’aan ka gaari karin in Somaliland ay la midowdo Soomaaliya sidaas darteed loo baahan yahay in wadatashiyada iyo kulamada labada dhinac la xoojiyo.

Cabdiweli Gaas ayaa ku taliyey mar uu ka hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka in kulamo iyo wadatashi lala yeesho shacabka Soomaliland oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa la qasbayo

” shacabka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag ma rabaan inay Soomaaliya ka go’aan balse waxaa xoog ku heyst oo qasbayo Muuse Biixi, sidaas darteed haloo sameeyo kulamo iyo wadatashi” ayuu yiri Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa carabka ku adkeeyey inaysan jirin wax la yiraahdo Somaliland iyo Soomaaliya balse ay Somaliland tahay dhulkii Soomaaliyeed, wuxuu yiri

“Arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa aaminsanahay wax la yiraah Soomaaliya iyo Somaliland ma jirto, magaca Somaliland waa dalkii soomaaliya weeye, gobolada waqooyi Soomaaliya ka mid yihiin, marka waxaa moodaa labo dowladood oo siman anaga iyo kenya oo kale, wax laga xishoodo weeye, mideeda kale wada hadaladaas waxba kama soo baxayaan, sababta waa idin sheegayaa nin Soomaali oo Madaxweyne ah ama Ra’iisul Wasaare ah baa wuxuu ku dhacaa in Somaliland taga uu yiraahdo, ma awoodi karaan, Muuse biixi miyaa ku oran kara dadka jooga Hargeysa iyo Burco Soomaaliya ku biirayaa ma oran karo, haddii iyagana aysan oran karin, kuwa xamar joogana aysan oran karin Somaliland ha iska tagto maxaa la isku xiijinayaa oo la isku wareerinayaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo xilli Madaxweyne Farmaajo uu shalay kulan la yeeshay Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr oo matalayey Maamulka Somaliland.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii deeqaha Beesha Caalamka loo qeybsan lahaa iyo sidii loo xoojin lahaa wadahadalka labada dhinac, sidoo kalana waxaa lagu heshiiyey in la qaboojiyo dagaalka ka taagan Takuraq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com