GAAS: Maamulka Gobollada Dhexe lama dhihi karo maamul GOBOLEED, waa maamul qura !!!

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu ka horyimid Maamulka Gobolada Dhexe lagu wado in laga hirgeliyo, loogu yeero Maamul Goboleed.

“Maamulka Gobolada Dhexe loo dhisaayo lama dhihi karo Maamul Goboleed ee waxaa weeye Maamul qura. Waa Maamul ay sameysanayan dad meel isugu tagey oo go’aankaas qaatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Maamul Goboleed waxaa la dhihi karaa laba gobol iyo wixii ka badan marka ay Maamul sameystaan. Laakiin hadda waxaa Maamulka sameysanaya waa Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.”

Waxa kaloo uu sheegay inaan Waqooyiga Gobolka Mudug lagu biirin karin Maamul Goboleedka lagu wado in lagu soo dhiso Magaalada Cadaado, maadaama sida uu sheegay uu Waqooyiga Mudug ka tisan yahay deegaanada, ay Puntland maamusho.

“Waqooyiga Gobolka Mudug wuxuu ka mid yahay deegaanada Dowladda Puntland, lagumana dari karo Maamulka laga dhisaayo Cadaado.” Ayuu yiri C/weli Maxamed C/weli Gaas.

Gaas oo ka soo muuqday Warbaahinta Puntland, ayaa tilmaamay in Dowladda Federalka Somaliya, ay u cadeeyen inaanan Waqooyiga Gobolka Mudug lagu dari karin Maamulka Gobolada Dhexe laga dhisayo.

Maamulka la doonayo in Gobolada Dhexe Somaliya laga hirgeliyo, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxa uu wajahaayay marxalado kala duwan, oo khilaaf ku dhisan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com