XOG ka soo baxeysa weerarka wasaaradda iyo mas’uul ka mid noqday dadka ku dhaawacmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo naga soo gaaraya dhismaha Xarunta Wasaarada Tacliinta sare ee DF Somalia, ayaa sheegaya in Khasaaro badan uu ka dhashay weerarka Dhismaha lagu galay.

Inta la ogyahay 11-ruux oo ay ku jiraan Ciidamada Dowlada iyo kooxihii weerarka soo qaaday ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarka, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dadka dhaawacmay waxa ku jira Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada DF Somalia Ismaaciil Macalim oo xiligaasi ku sugnaa Xarunta Wasaarada.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay la wareegeen Amniga Dhismaha Wasaaradda.

Xaalada ayaa iminka ah mid degan, waxaana la maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay ridayaan Ciidamada Dowlada oo ay ku kala ceyrinayaan dadka kusoo xoomay meydadka wadooyinka yaala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com