“DFS daacad kama aha dhismaha ciidan qaran”

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, ayaa ka hadlay Siyaasadaha isdiidan ee ka taagan Dalka Somalia iyo qaabka ay DF Somalia u meel-marineyso Ciidamada har iyo habeen xaqiijinta Amaanka u taagan wadooyinka.

Waxa uu Tarsan sheegay inay u muuqato in DF Somalia ay weli tahay mid qabyo ah, islamarkaana aan dowlad buuxda la heli doonin ilaa laga dhiso ciidamo qaran oo dalka hanta.

Tarsan oo inta badan kasoo horjeeda qaabka ay DF Somalia u daadihineyso dalka, ayaa cadeeyay in ka shaqsi ahaan uu aad uga soo horjeedo, wuxuuna Tilmaamay in Ciidamada dalka ay yihiin kuwa ay ka muuqato nidaam la’aan taasina ay ugu wacan tahay dhameystir la’aanta DF.

Sidoo kale, Tarsan waxa uu sheegay in caalamka oo dhan aan la’isku dhisin ciidamo, islamarkaana aysan habooneen in dalal shisheeye laga sugo in ay dhisaan ciidan tayo leh oo dalka difaaca.

Waxa uu meesha ka saaray in DF Somalia, ay u jajaban tahay inay hagaajiso aayaha Dowlada, waxa uuna sheegay in Ciidamadu aysan laheyn xuquuq iyo daryeel joogto ah.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Aduunka ciidamo la’iskuma dhiso, ciidamo wax isku dhisa ma jiro, wadankaan ciidamo Soomaaliyeed oo la dhiso amni ma noqonayo, xuduudka wadanka oo ciidamo Soomaaliyeed ilaalin oo dowladaha deriska la nahay xudeedkeeda aysan ciidamadeena tagin wadankaan amni ma noqonayo, dowladnimada wey kala dhiman tahay, ma ilaalin karnaa cir dhul iyo Bad, maka war qabnaa ciidamada dowladaha deriska ee soo galaya inta uu la eg yahay cadadkooda, fasax managa qaataan marka ay shacabka duqeynayaan”

Dhanka kale, waxa uu Madaxda DF, Taliyayaasha laamaha amaanka ugu baaqay inay si wanaagsan ula dhaqmaan Ciidamada xaqiijinaayo amaanka, hadii taasi lawaayana ay micnuhu noqoneyso Amaan hala waayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com