GAAS oo dagaal ugu hanjabay S/LAND

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay tallaabadii ciidamada maamulka Somaliland ay ku galeen magaalada Taleex ee gobalka Sool.

Isagoo saxaafadda kula hadlaayay Boosaaso ayuu sheegay mudane Gaas in aysan marnaba ka gorgortami doonin in Somaliland ay qabsato dhul ay lee dahay Puntland wuxuuna intaas ku daray in ay diyaar la yihiin siddii ay isaga difaaci lahaayeen Somaliland.

“Ma yeeleyno in dowladda Somaliland ay ku xadgudubto dhul ay lee dahay Somaliland waxaana aan ka codsaneynaa ciidamadooda in ay kala baxaan halkaas” ayuu yiri Gaas.

Wuxuu sheegay oo kale in Taleex ay ka mid tahay deegannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland. Isagoona intaas ku dara in Puntland ay diyaar u tahay in dagaal ku soo ceshato dhulka ay qabsadeen maamulka Somaliland.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan ciidanka Somaliland ay galeen magaalada Taleex oo uu ka dhisan yahay maamulka Khaatumo State.

Waa markii labaad oo ciidanka maamulka Somaliland ay galaan Taleex tan iyo sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Caasimada@live.com