Cabdi Weli Gaas oo hishiis 4 qodob ah la gaaray baarlamanka & wasiiradiisa iyo wadahadalka oo..

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa wali arin aan la isku fahmin ka taagan tahay shirarka gaar gaarka ah ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Jubbaland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu matalayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo maalin ka hor tagay magaalada Garoowe.

Wadahadalada ayaa ahaa kuwo ay gaargaar isku arkayeen dhamaan madaxda ku kulmaya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, waxaana arinta ay noqotay mid sii dheeraata kadib markii go’aan ay afar qodob ah ay wada gaareen baarlamaanka, golaha wasiirada iyo madaxweynaha Puntland.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland iyo baarlamaanka iyo wasiirada uu la kulmay isku raaceen iney meel uga soo wada jeestaan dhamaan qodobada keenay khilaafka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya.

Waxyaabaha la isla gartay waxaa kamid ah

1 inaan laga laaban diidmada maamulka Galmudug

2 ineysan aqoonsan gudiyada kala duwan ee ay dowlada Soomaaliya dhistay

3 Ineysan ka qeyb galin shirka Muqdisho ilaa khilaafka laga dhameeyo

4inaan la tageerin kala dirida baarlamaanka Jubbaland.

Qodobadaasi ayaa caqabad kale ku noqon kara sii socoshada wadahadalka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada is xulufeysanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com