Dadaallo Guuleed lagu geynayo CAABUD-WAAQ

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa sheegaya iney socdaan wadahadaladii ugu dambeeyay oo la doonayo in magaaladaasi lagu geeyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Wadahadalka ayaa u dhaxeeyo madaxweyne ku xigeenkiisa oo shalay tagay magaalada Caabudwaaq iyo dadka deegaanka oo qaarkood kasoo horjeestay inuu tago magaalada Caabudwaaq.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in meel wanaagsan iminka ay waxmarayaan lana diyaariyay goobaha la dajin lahaa wafdiga madaxweynaha maamulka Galmudug.

Waxaa maleeshiyaad deegaanka ay ka biyo diideen in wafdiga madaxweynaha uu tago magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, lamina oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo tagay magaalada Caabudwaaq ayaa kulamo ilaa xalay la qaadanayay qaar kamid ah dadka deegaanka ee kaso horjeeda wafdiga tagaya magaalada caabudwaaq.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com