Mas’uul hore oo xabsiga la dhigay iyo Amisom…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Ciidamada DF Somalia ay jeelka dhigeen Guddoomiyihii hore ee Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Mas’uulka la xiray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Muumin Maxamed Xalane, waxa uuna xarigiisa ka danbeeyay kadib markii uu ku gacanseeray wareejinta xilkaasi.

Muumin Maxamed, ayaa diiday inuu xilka Degmadaasi ku wareejiyo Guddoomiyaha Cusub ee Maxaas loo soo magacaabay Maxamed Macoow.

Degmada Maxaas ayaa waxaa ka dhacay Iska hor imaad u dhexeeya Ciidamada Dowladda ee Degmada ku sugan iyo kuwo la socday Guddoomiyihii hore ee Degmada Maxaas, waana tan sababtay xariga Mas’uulkaasi.

Taliyaha Saldhiga Degmada Maxaas, ayaa warbaahinta u sheegay in Mas’uuliyiinta Gobolka ay amar ku bixiyeen in Muumin Maxamed lagu sii haayo Xabsiga.

Dhanka kale, Maxbuus Muumin Maxamed ayaa waxaa lagu wareejiyay Saldhig gaar u ah Ciidamada AMISOM ee Gobolkaasi ka howlgala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com