Halkee ayuu ku dambeeyay khilaafkii C/W GAAS iyo Gen. Muxiyadiin iyo ciidamadii is-horfadhiyey

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland gaaray Laba Sargaal ka tirsan Maamulkaasi oo mudooyinkaani ka gadoodsanaa Hogaamiyaha Maamulkaasi C/weli Gaas.

Saraakiishaasi oo kala ahaa Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntland Jeneraal Muxyadiin Aw Muuse iyo Cabdi Yare iyo Ciidamo farabadan oo ay wateen ayaa lagu soo dhaweeyay Garoowe, kadib markii Khilaafkii taagnaa uu xaliyay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Jeneraal Muxyadiin, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan aaminsaneyn inay isu soo dhawaan lahaayen isaga iyo C/weli Gaas, balse isu imaanshaha ay sabab u ahaayen Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Hogaamiyaha Jubba.

“Anigu lama dhacsani ficilada Gaas balse waxaan u hogaansanahay amarada Odayaasha iyo Mas’uuliyiinta DF iyo Jubba oo iyagu sabab u ah inaan garoowe dib ugu soo laabto”

Waxa uu sheegay in u jeedkiisa kusoo laabashada Garoowe uu yahay mid la xiriira sidii wada-hadal ay goobjoog ka yihiin Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe ula furi lahaa C/weli Gaas, waxa uuna rajo ka muujiyay wada-hadalkaasi.

Dhanka kale, Jeneraal Muxyadiin, Cabdi Yare iyo C/weli Gaas ayaa iminka xal hordhac ah ka gaaray Khilaafka iyo Cabashooyinka taagan, balse waxaa la soo warinayaa in weli wada-hadalka uu yahay mid qabyo ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com