Dam-Jadiid oo diiday qorshe uu watay Dhuxulow

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Xildhibaan Mustaf Dhuxulow  uu mudooyinkaani baadi goob ugu jiray sidii loogu magacaabi lahaa Danjiraha Somalia ee dalka Qadar.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Dhuxulow uu Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Hadliye kala hadlay in xilka Safiirnimo loo magacaabo, balse Hadliye uu ku wargaliyay in xulista Safiirada uu leeyahay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Dhuxulow oo ay garbinayaan Xubno kale oo ka tirsan DF Somalia una badan Wasiiro ayaa arrintaasi kulan gaar ah kala qaatay Madaxweyne Xassan Sheekh, si uu Mustaf u noqon lahaa Safiirka Somalia ee Qadar, waxaana lagu soo waramayaan inuu ku gacanseeray xilkaasi islamarkaana Xassan Sheekh uu sheegay in Safaarada Qadar ay meeleysan tahay balse ay furan tahay inuu soo indha indheysto Safaarad kale oo uu ku qanacsan yahay.

Safaarada Somalia ee Qadar ayaa ahmiyad gaar u leh Kooxda Damjadiid oo iyaga doonaayo inay Dowladaasi uga faa’iideystaan xiliga doorashada ee fooda nagu soo heyso.

Mas’uuliyiinta kasoo horjeeda in Dhuxulow loo magacaabo Safaaradaasi ayaa waxaa kamid ah Faarax C/qaadir oo isagu xiriir dhow la leh, waxa uuna qorsheynayaa in xilkaasi leysugu bedelo shaqsiyaad xubno ka ah Damjadiid oo iyagu saf dheer ugu jiro.

Dowlada Qadar ayaa kalin weyn ka qaadatay doorashadii uu Xassan Sheekh ku guuleystay waxa ayna bixisay Seddex meelood Laba meel dhaqaalaha ku baxay doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com