Cabdi Weli Gaas: Cadawga PUNTLAND

C/weli Gaas wuxuu ku soo beegmay xilli ay hogaanka gobollada dalka qaarkood ay qabteen dad aad u xun (very bad people) oon sinnaba ugu fiicneyn inay Somaliya wax ka noqdaan, waxaana ka mida Axmad Madoobe, Shariif Xasan, Faroole iyo qaar kaloo badan. Nasiib darro, Puntland waxay khatar ugu jirtaa C/weli Gaas oo ku fashilmay maamulki gobolka, dadkina ay neceen….markaasuu la soo baxay siyaasad markii ugu horreysay uu ku dhaqmay nin boqor ka ahaan jiray jasiirad ka mida jasiiradaha Gariika, kaasoo marki dadki ay ku keceen abuuray cadaw dibadda ah si loo mideeyo dadka dalka ku nool, waana siyaasadda la yiraahdo (create external enemy to get internal unity)

C/Weli wuxuu sameystay cadaw ah dowladda federaalka si dadka reer Puntland uu isaga jeediyo una tuso dowladda dhexe inay tahay cadawga Puntland. Runta marka laga sheego waxaad garan kartaa in cadawga kaliya ay Puntland leedahay uu yahay C/Weli Gaas oo ummadda meesha ku dhaqan aan wax dan u hayn, una qaybiyay jufooyin iska soo horjeeda. Nasiib darradu waxay tahay in dadka u dhashay Puntland ay yihiin dad si dhib yar shucuurtooda loo beddeli karo, waxayna ku caan bexeen waxa la yiraahdo ”BLIND SOLIDARITY”. Qof iyaga u dhashay markuu taallaabo qaado inay ku raacaan iyagoon ka fiirsan cawaaqibta ay yeelan karto xataa haddii ay arkaan inuu khaldan yahay iyagoo indhaha isku-haya u sacab-tuma sabab qabiil awgeed. C/Weli wuxuu ku fashilmay maamulka gobollada Bari, markaasuu raadinayaa in dadku ay ka sii jeestaan uuna ku mashquuliyo mucaraadnimo rakhiis ah oo la rabay inuu ka xishoodo qofka mutacallimka ah..waxyaabaha uu ka rabo dowladda dhexe waa arrimo caadi ah oo si dhib yar loo heli karo waa haddii ay Puntland xaq u leeyihiin…maxaa ka galay Puntland dustuurka dalka? Ma iyagaa iska leh kaligood mase ummadda oo dhan ayuu ka dhexeeyaa?

Qofki aaminsan in C/Weli yahay aqoonyahay waxaan u caddeynayaa inuu yahay nin aan wax aqoon ah lahayn, uusan Jaamicad weligii fadhiisan, hadduu fadhiistayna uu ku dhammeystay waxbarashadi isagoo hurda oon ogeyn waxa meesha laga barto…markuu hurdadi ka toosayna waxaa la yiri waxaa tahay doktoor dhammeeyay cilmiga dhaqaalaha ee bax afrika gey wixi aad baratay…taladi ma qaadane wuxuu galay siyaasad uusan fikrad ka heysan meel laga billaabo, wuxuuna ka soo billaabay meesha ay ku dhammaato oo ah fitno, cadaawo laga dhex abuuro ummad walaalo ah iyo isagoo weliba dagaal uu Mudug ku qaado ku goodinaya….bal arag meesha ay la mareyso maanta!!! Aqoontu waa midda beddesha qofka dhaqankiisa,(education is change in behaviour), korisa qofka caqligiisa kuna abuurta dulqaad, xishood iyo xushmad la is-dhaafsado(mutual respect. Nasiib darro C/weli intaa oo dhan waa ka arradan yahay.

Waxyaabaha uu ku hadlayo waa wax aan u bannaaneyn qof sheeganaya ”Madaxweyne”, laakin waxaa uu sameynaayo wuxuu uga danleeyahay inay reer Puntland u arkaan nin zaciim ah oo wax weyn u qaban kara gobolka.Maanta wuxuu u yeertay Axmad Madoobe iyo Cumar Cabdirashiid si ay uga badbaadiyaan fashalka iyo facsharada uu dhex fadhiyo..Madaxweyne Xasan Sheikh iyo dowladda dhexe waxay ku dhaqmeen siyaasad ku cusub Somaalida oo la yiraahdo ( IGNORE POLICY) oo ah in ficillada iyo hadallada ka soo baxaya C/Weli iyo kuwa isaga la mida, in la yaso oon marna loo jawaabin lagana dhigo wax aan mudneyn in laga hadlo.

C/Weli ma garawsan weli in Axmad Madoobe uu ku socdo dariiqii kuwi isaga uga horreeyay maamulka Jubbada Hoose ay mareen, maalmaha u harsanna ay kooban yihiin xataa hadduu kaashado Kenya & Ethiopia Kismaayo kuma negaan doono, waayoo hortiis jiraa waayay!!! War yow sheega C/Weli in R/Wasaare Cumar Cabdirashiid uu yahay middi weyn oon af-lahayn, waxna kuuma taro waxna kaama taro oo waa maqanahaa jooga!!!

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@ourtlook.com