XOG: Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Garoowe iyo R/W CC oo Gaas ka dalbaday inuu..

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid, Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ay isla meel dhigeen in maalmo dheeri ah lagu darro wada-hadalka.

Wararku waxa ay sheegayaan inay isla garteen in muddo Seddex maalin oo dheeri ah lagu darro wada-hadalka oo xiligaani maraayo meel xasaasi ah.

Seddexda maalin dheeriga ah ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday Ra’isul wasaaraha dalka oo isagu ku jahwareersan wada-hadalka uu kula jiro labada Mas’uul ee kala hogaaminaayo maamulada bahoobay ee Jubba iyo Puntland.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa ku andacoonaayo in arragti ahaantiisa uu weli qabyo yahay wada-hadalka loona baahan yahay in la helo maalo dheeri ah si loo lafa-guro wada-hadalka qabyada ah.

Dalabka maalmaha dheeriga ah ayaa imaanaya iyadoo Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay si cad u diideen aqoonsiga maamulka Galmudug iyo guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka.

Shirka oo u muuqda mid lagu dhaqan galinaayo baahiyaha Shaqsiyaad gaar ah, ayaa waxaa hadana suuragal ah in mirra dhalka kulankaasi uu noqon doono mid xili waliba u baahnaan doono dhameystir oo aan halkiisa dhaafin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com