Shirka magaalada Garoowe oo lagu kala booday iyo Cabdi Weli GAAS oo waji cusub la soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow dib u furmay wada-hadalkii u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas.

Kulanka ayaa fashilmay kadib markii Ra’isul wasaare Cumar uu ku gacanseeray ujeedkii uu u gaaray Magaalada Garoowe, waxaana la soo sheegayaa in muran dheer kadib uu goordhow shirka dib u furmay.

Fashilka wada-hadalka ayaa waxaa sabab u ahaa Hogaamiyaha Maamulka Puntland oo isagu ku adkeystay in DF Somalia ay raali galin ka bixiso go’aankii ay Galmudug ku xalaaleysatay qeybo kamid ah Deegaanka Mudug, waxa uuna Gaas qaadacay in Madaxda ugu sareyso DF ay kulan gaar ah dib uga yeeshaan arrinta muranka, iyada oo aan iminka go’aan laga gaarin.

Gaas oo sabab u ah kala boodida Mas’uuliyiinta uu shirka Seddex geesoodka ah u socdo, ayaa cuskaday in DF Somalia gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia looga baahan yahay inuu safar degdeg ah ku yimaado Magaalada Garoowe si shirka natiijadiisa uu goobjoog uga ahaado, hayeeshee taasi uu ka hor imaaday Ra’isul wasaaraha dalka.

Xubno ka tirsan Wafdiga la socdo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in suuragal ay tahay in kulanka maanta dib u furmay uu kasoo bixi doono natiijo hordhac ah oo muujineyso in laga soo talaabay dhowr qodob oo xasaasiyad ka taagan tahay.

Lama Oga waxa ay noqon doonto natiijada kasoo bixi doonto kulanka waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Gaas uu caro muujinaayo si loogu suuragaliyo Siyaasada uu damacsan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com