R/W CC oo Gaas u gudbiyey qorshe aan la aqbali karin oo ay raali ka yihiin Xasan Sh. iyo Guuleed

Garoowe (Caasimada Online) –Wararka aan ka heleyno guriga laga maamulo Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in wadahadalladii shalay ilaa xalay dhex dhex maray madaxda dowlada Puntland, Jubaland iyo Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid la isku fahmi waayey qodobadii laga wadahadlayey.

Ra’isal wasaaraha Somalia aya wararku sheegayaan inuu u soo bandhigey madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland iney aqoonsadaan maamulka Galmudug oo ka koobnaan doona hal gobol iyo bar isalmarkaana aqoonsadaan dhamaan guddiyadii dhowaan dowlada Federaalka kaga dhawaaqdey magaalada Muqdsho kuwasoo Barlamanku ansaxiyey.

Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake ayaa sidoo kale kulankaas ku xusey in maamulka Galmudug dib ugu noqon doono Dastuurka kana saari doono qodobada sheegaya in gobolka Mudug oo idil uu ka kooban yahay maamulka.

Xogtaan ayaa xuseysa in Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha maamulka Gamudug Cabdikarim Guuled oo saaxibo dhow ah ay qorshahan raali ka yihiin si xiisada kacsan la dajiyo madaama qorshoohooda fog yahay sidii doorashooyinka 2016 ugu guuleysan lahaayeen.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo wel-wel weyn ka hayo khilaafka maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa cadaadis ku saaray in madaxweynaha Galmudug tanaasul ku-meel gaar ah ka sameyaan sheegashada deganaada aan ka tirsaneyn maamulkooda.

Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa waxa ay diideen soo jeedinta Ra’isal wasare Cumar Cabdirashiidin kasta oo aan la ogeyn sababta.

Dastuurka Somalia ayaa waxaa qodobo kamid ah xusayaan in maamul goboleeda ay sameysan karaan Labo gobol iyo wixii ka badan, waxaana muuqaneysaa in qorshaha kooxda Damu-Jadiid uu ka horimanayo dastuurka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo horey deegaano ay lee yihiin beelaha Hawiye ugu saxiixay Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan, ayaa waxaa weli muuqata inuu hagardaameynayo dadkaas, isaga oo wax walba u sameynaya sidii loo dooran lahaa 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com