Xog: Dukumiintigii loo gudbiyay maxkamada ICJ oo laga reebay warqado muhiim u ahaa KIISKA !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ayaa Caasimada Online u xaqiiiyay in Dukumiintigii loo gudbiyay Maxakamadda Caddaaladda Adduuna ee loo soo gaabiyo ICJ laga reebay warqado muhiim u ah Muranka Biyaha Somalia ay Kenya gelisay.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Warqadaha Dukumiintiga laga reebay ay kamid yihiin sida Cadeymaha cabirka qeybta uu muranka ka taagan yahay oo ay sheeganeyso Dowlada Kenya iyo Dukumiintiyadii ay sameeyen gumeystaha waxaana la xaqiijinayaa in warqadaha ay DF gudbisay ay weli waxbadan ka dhiman yihiin balse Maxkamada loo ballan qaaday in gudaha sanadkaani loo soo dhameystiri doono, sida ay xogtu Caasimada Online ku heshay.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Dukumiintiyada la gudbiyay ay yihiin kuwo ay dhawaan qortay DF Somalia mana jiraan warqado sax ah oo laga hayo kuwa Dowladii Dhexe ee Soomaaliya, oo kiiska xoojin kara.

Keyd hayaha Maxkamadda ICJ Mr Philippe Couvreur, ayaa Xeer ilaaliyaha Qarabka Axmed Cali Daahir kuwar galiyay in muddo kooban ay kusoo dhameystiraan Dukumiintiyada ka maqan galka iminka lagu wareejiyay.

Mustaf Suleymaan oo kamid ah Khubarada ku xeel-dheer arrimaha Baddaha ayaa sheegay in DF Somalia ay kusii dheeleyso gal dacwadeedka, waxa uuna cadeeyay in shaqsi ahaantiisa ay u muuqanesyo in Somalia ay murankaasi ku weyn doonto xuquuqda ka maqan.

Wuxuu sheegay inuu la socdo halka ay DF Somalia marsiineyso Dacwadaasi, waxa uuna farta ku goday in Dacwada iminka la qoray ay tahay mid qabyo ah oo ay DF Somalia dooneyso in qeybaha harsan ay wakhti kale gudbiso.

Sidoo kale, waxa uu bidhaamiyay in DF Somalia aysan ilaa iyo iminka heysan wax Khubaro ah oo u doodi kara, markii laga reebo shaqsiyaad gaar ah oo ay kala wataan Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Dacwadaha loo gudbiyay Maxkamadu ay yihiin kuwo aan ku jirin cadeymo muujinkara in Somalia ay iyadu leedahay Biyahaasi uu muranka ka taagan yahay, wuxuuna xusay in Dukumiintiga uu ka maqan yahay Cadeymihii Cabiraada saxda ah ee uu sameeyay Gumeystaha Talyaaniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com