Taliyihii ciidamada badda Soomaaliya oo xog ka bixiyey sida DFS ay gacanta uga bixisay BADDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidamada Badda Somalia Admiral Faarax Cumar Axmed Faarax Qare, ayaa ka hadlay muran badeedka xiligaani ka dhextaagan DF Somalia iyo Dowlada Kenya.

Faarax Qare, waxa uu sheegay in DF Somalia ay yareesatay baaxada uu la egyahay muranka Biyaha Somalia, waxa uuna tilmaamay in Kenya ay damac badan tahay.

Wxa uu sheegay in arintan ay soo bilaabatay 2005 markaas oo ay kenya samaysay qariirad cusub oo dhanka badda ah iyadoo soo leexisay qariirada kuna daratay qeybo ka mid ah badda dalkeena Somalia.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in dhowr jeer oo sii horeysay ay Dowlada Somalia kala hadleen arrimaha muranka Badda, balse waxa uu carabaabay inaysan jirin cid mas’uuliyad gaar ah iska saartay.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in DF Somalia kaliya looga baahan yahay go’aan ku saleysan hadaf iyo inay la imaado Khubaro ku xeel-dheer arrimaha muranka Badda, hadii taasi la waayana ay suuragal tahay in wax waliba ay isku dhex yaacaan.

Dhanka kale, waxa uu cadeeyay Admiraalku in kenya y muuqato inay doonayso ka faa’iidaysashada burburka Somalia waxa uu sheegay in waligeed aanay sheegan Badda Somalia ay haatan ka sheegatay tan iyo markii kenya ay xuriyada qadatay 1963.

Waxa uu sheegay inay raja ka qabaan dacwada dowlada dhexe ay ka gudbisay kenya una gudbisay Maxkamada cadalada Dunida in Somalia ay ku guulaysato mark loo eego taageerada iyo cadaymaha ay heysato Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com