Warbixin: Dowladda Ethiopia oo xubno cusub la timid iyo SHARIIF XASAN oo qorshe damacsan !!

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan uu wado qorsho cusub uu ku sameynaayo isku shaandheyn dhanka Xukuumada Maamulkiisa.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in isku shaandheynta ay tahay mid ay wadato Dowlada Ethiopia fulinteedana uu leeyahay Shariif Xassan.

Mas’uul ka tirsan Maamulka ayaa noo xaqiijiyay in qorshaha uu yahay mid daaqada looga saarayo inta badan Golaha Wasiirada Maamulka, islamarkaana xukuumada lagu soo biirin doono xubno cusub oo ay wadato Dowlada Ethiopia.

Wasiirada ayaa hada gaaraya in ka badan Lexdan iyada oo la aaminsan yahay in aysan waxba soo kordhin islamarkaana aan loo heyn dhaqaale ku filan iyo xafiisyo ay ku shaqeeyan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wasiirada ay hada bilaabeen inay xod xotaan Odayaasha laga yaabo inay soo xulaan Xubnaha Baarlamaanka, si ugu yaraan ay uga soo dhex muuqdaan Saaxada siyaasadeed ee Koonfur galbeed.

Shariif Xasan ayaa soo saari doona ku dhawaad 20-30 wasaaradood oo uu soo xuli doono walow aan la ogeyn wasiiradda ku bixi doona isku shaandheynta iyo kuwa sii joogaya Xafiiska.

Qorshahaani ayaa waxaa xoogiisa wado Dowlada Ethiopia waxaana Magaalada Addis ababa lagu soo gaaray Feb 14 2015 xili uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed gaaray Addis.

Dhanka kale, Dowlada Ethiopia ayaa qorshahaani ka damacsan kadib markii ay ku gacanseertay wada shaqeynta kala dhexeysa Wasiirada iminka jira, waxa ayna badelkeeda wadataa xubno cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com