Dowlad shisheeye oo xasuuq ka wadda qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo DFS oo iska indha tireysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Aadan Axmed Xirsi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ka howlgala Gobolada Jubooyinka, ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay wado qorshooyin ay ku xasuuqeyso Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Jubooyinka.

Sargaalka ayaa sheegay in inta badan ay duqeymaha la bartilmaameysato aqalada ay ku noolyihiin dadka shacabka ah, waxa uuna sheegay inaysan garaneynin cida ay dooneyso iyo cida ay beegsaneyso.

Sidoo kale, Aadan Axmed Xirsi ayaa sheegay in duqeymaha ay yihiin kuwo aan dhamaad laheyn islamarkaana inta duqeyn ee dhacday aysan ku dhiman shaqsiyaadkii ay la damacsanaayen.

Wuxuu nasiib darro ku sheegay aamusnaanta DF Somalia, waxa uuna cadeeyay in waqtiyada soo socda ay duqeyn doonaan Magaalada Muqdisho waa hadii aan laga hortagin.

Aadan Axmed wuxuu xusay in ciidamada kenya hore u dileen ilaa Kontomeeyo ciidamada Dowlada ka tirsanaa markii ay diyaaradahoodu duqeeyeen inkastoo uusan sheegin waqtiga.

Dhanka kale, DF Somalia ayuu ugu baaqay inay ku dhiirato wax ka bedelka xasuuqa ay Kenya ku heyso shacabka maatida ah ee ku nool Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com