Caddeyn: Qarax Obama loogu diyaariyey Nairobi

Nairobi (Caasimada O nline) – Sida laga soo xigtay arday dhigata Jaamacada Nairobi ee dalka Kenya, Ardayda qaar ayaa ku hanjabay iney isqarxin iyo is dil sameyn doonaan haddii madaxweynaha Mareykanka Obama uusan booqan jaamacada ay dhigtaan.

Qaar ka mid ah Ardayda dhigata Jaamacada Nairobi ee ku taallo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay ku hanjabeen inay isdili doonaan, hadii Madaxweynaha dalka Mareykanka uusan booqasho ku tagin Jaamacadaasi.

Dhamaadka Bishan aan iminka ku guda jirno ayaa la filayaa in Madaxweynaha dalka Mareykanka Booqasho saddex maalin qaadanayso uu ku tago dalka Kenya, halkaasi oo uu ka furi doono shir looga hadlaayo arimaha ganacsiga.

Ardaydaan oo gaaraysa 18 Arday waxa ay warqad ay u qoreen Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Kenya, waxaana warqadooda ay ugu cadeeyeen inay isdili doonaan, hadii Madaxweynaha dalka Mareykanka uusan Jaamacadaasi booqan.

Waxa ay ka codsadeen Safiirka in lagu soo daro Jaamacada Nairobi meelaha uu booqan doono Madaxweynaha Mareykanka, saddexda cisho ee uu joogi doono gudaha dalka Kenya.

Waali

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com