Canab Maxamed Dahir “Kursiga uu madaxweyne Xasan Sheikh ku fadhiyo ayaan u sharaxanahay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweneeydii Labaad ee Somali ah ayaa ku dhawaaqday inay danaynayso inay ka qeyb gasho Loolanka Madaxtinimadda Somalia ee la filayo in la qabto sannadka soo socda.

Anab Mohamed Dahir ayaa arrinkaasi kaga dhawaaqday magaalladda Saint Cloud ee dalka Maraykanka, waxayna xustay inay la loolamayso Musharixiinta ragga.

Waxay intaasi ku dartay inay ragga Soomaaliyeed ku fashilmeen Dib-u-dhiska dalka 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

Wargeyska The St. Cloud Times ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray in Musharax Anab Dahir oo dalka Maraykanka tegtay sannadkii 2008-dii rumeysan tahay in Khibraddii iyo Aqoontii ay ka baratay Maraykanka ka caawin karo inay gaarto hadafkeeda ah inay dib u dayactiro dalkeeda hooyo.

“Waxaan filayaa inuu dalkeennu u baahan yahay aniga iyo dadka kale ee ila midka ah” ayey tiri Anab Dahir oo sheegtay inay rajo ka qabato inay isdel dhaliso haddii ay ku guuleysato xilka Madaxtinimadda Somalia.

Musharax Anab Mohamed Dahir waxay sheegtay inay khatar ku noqon karto inay u tartanto Xilka Madaxtinbimadda, waxayna farta ku fiiqday inay jiraan dad doonaya inay iyadaka takhalusaan, waa sida ay hadalka u tiri, inkastoo aysan sheegin dadka ay ku tuhunsan tahay in ay iyada dilaan.

“Laakiin, waxaan doonayaa inaan u geeriyoodo isbedelka dalkayga” ayey sii raacisay.

Dhinaca kale, Musharaxadda Somali-Finlanderka ah ee Fadumo Dayib iyo haween kale oo tiro yar ayaa waxay iyagana rajo ka qabaan inay noqdaan Madaxweynihii ugu horreeyey oo dumar ah oo Madax ka noqda dalka Somalia.

Dhinaca kale, Ma aha markii ugu horreysay oo ay Musharixiin haween ah isku soo taagaan Doorashadda Madaxweynenimo, iyadoo Drs. Dahabo Cabdi Maxamed “Dahabo Cuud” ahayd Musharaxad isku soo taagtay Xilka Madaxtinimadda ee Maamul-gobaleedka Galmudug ee dhawaan lagu qabtay Degmadda Cadaado.

ISHA:- The St. Cloud Times

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com