Xabsiyada Puntland oo haawanaya iyo Gaas oo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu Cafis u fidiyey in ka badan 120 Maxbuus oo dambiyo kala duwan oo fudud ugu xirnaa Xabsiyada Puntland.

C/weli Gaas ayaa Maxaabiistaasi cafiska ugu fidiyay munaasabada Ciida awgeed, waxa uuna warqad qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in Maamulka uu gartay in Maxaabiistaasi uu cafiyay.

Xabsiyada Maxaabiistaasi laga sii daayay ayaa waxa ay badankooda ku jireen sida Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, oo ay ku yaalan kuwa ugu waaweyn.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Asluubta Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in Cafiska uu yahay mid u gaar ah Madaxweynaha Puntland, waxa ayna rajo ka muujiyeen in Maxaabiista ay u hogaansami doonaan dhanka wanaaga.

Xabsiga dhexe ee Magaalada Caasimadda ah ee Garoowe ayaa la xaqiijiyey in laga siidayn doono illaa 40 Maxaabiis ah oo ka mid ah kuwa Cafiska uu Madaxweynuhu u fidiyey, waxaana ugu dambayntii Madaxweyne C/weli Gaas uu Saxiixay Amarka Xoriyadooda lagu siinayo Maxaabiistaan.

Dhanka kale, Maxaabiista ugu faraha badan ee ku xiran Xabsiyada Puntland ayaa u badan kuwo ku eedaysan Dambiyo Fudud oo ay ka mid yihiin, Tuugonimo, waalid Caasi, Dhaqancelin, iyo waxyaabo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com