Shirka Garowe: Ma shir beeleed baa mise shir maamul Goboleedyo iyo DF Somalia?

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa ku biiray labada hogaamiye maamul Goboleed ee C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo isku baheystay sida ay uga horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya shirna uga socday magaalada Garowe iyadoo ay dad badan shaki ka muujinayaan suuragalnimada in heshiis laga gaaro rabitaanka labadaas maamul siiba Puntland oo u muuqata inay dooneyso inay u dhaqanto dowlad ka sareysa tii Soomaaliyeed ee Federaalka.

Dowladda Federaalka tan iyo intii la dhisay waxaa ku furnaa aagag gudaha ah oo ay ugu horeyso arrinta dhismaha federaalka, waxayna la kowsatay xaaladii Jubooyinka oo barbar socotay qorshihii dowladda ayna dhinac u jiidayeen dowladahga deriska oo dano gaara ka leh.

Puntland waxay mar waliba ahayd dowlad goboleed gaar u taagan oo ka horeysay dowladda Federaalka, waxaana mar waliba u diyaarsanaa inay tartan la gasho dowladda Federaalka, heshiiyo ka saxiixayo, xiriirka u jarto, hanjabaad u jeediso, shirarka caalamkana ku ciriiriso, taasoo ahayd farsamo soo jirtay muddo dheer oo dib ugu noqoneysa xilligii KMG markii uu talada hayay C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dowladdan Federaalka ee Xasan Sheekh hogaamiyo waxay arrinta Puntland ku wajahday siyaasad qabow oo markii xaaladda xumaataba ay heshiis ku qotoma rabitaanka Puntalnd la gasho  kadibna iyadoo fulin karin ay maalmo xaaladda ku qaboojiso si waqti yar kadib ay haddaba xaaladu u qaraxdo.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo wax weyn ka qaban waayay dhibaatada ka dhex taagan dowladiisa iyo maamulka Axmed Madoobe ee Juba, marka laga reebo socdaal uu Kismaayo ku tegay, uma muuqda mid fulin kara rabitaanka Puntland, sidaas darteed socdaalkiisa Garowe kama badna inuu labada hogaamiye si hoose ugu qanciyo inaysan dan ugu jirin dariiqa ay doorteen.

Cumar C/rashiid wuxuu ogyahay in hogaamiye kooxeedyada maamulada Federaalka ay doonayaan inay la wareegaan awoodii fulinta iyo tii sharci dejinta ee dowladiisa, wuxuuna ogyahay in haddii C/weli lagala tashado dhaqdhaqaaqyada dowladda uu isagu noqon doono magac u yaal. Wuxuu kaloo xaqiiqadeeda hayaa inuusan Garowe ama Kismaayo tegi lahayn haddii aanay jirin beelnimo ay wadaagaan C/weli Gaas.

Waxaa la wada ogaa in  banaanbax ka dhacay Garowe lagu kobeeyay sawirada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, halka magaalada Kismaayo lagu jeexjeexay Calanka Jamhuuriyadda. Waxaa la hubaa in wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya loo diiday inay tagaan Kismaayo, halka qaar kale oo degaankaas kasoo jeeda iskuna dhow yihiin Axmed Madoobe ay ka degaan.

Arrimahan oo dhan marka la isku soo daro waxaa cad in socdaalka Cumar C/rashiid uu yahay mid walaalnimo oo beelnimo ku dhisan, halkii uu ahaan mas’uul dowladeed oo heer qaran ku socda, waana taas sababta nuxur beelineysa wixii laga filan lahaa inay kasoo baxaan shirka Garowe ee saddexda mas’uul yeelanayaan, haddiise dowlad Soomaaliyeed iyo maamulo lagu soo qaado wixii ka soo baxa waxay noqon doontaa in dowladnimadii nabsi laga gelayo.

Faallada Goobjooge