Xog: Kulanka ka furmay Garoowe oo saameyn ku yeeshay go’aan baarlamanka PL uu gaari lahaa

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa la filayay in maanta la horgeeyo golaha wasiirada maamulka Puntland, kuwaasi oo qaarkood kasoo muuqday isku shaandheyn uu sameeyay madaxweynaha Puntland C.Welli Maxamed Gaas.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garoowe waxay sheegayaan in ansixinta golaha wasiirada Puntland dib loogu dhigay wadahadalka ka socda magaalada Garoowe ee u dhaxeeyo Cabdi Weli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo magaca dowladda huwan balse qabyaalad darteed ula kulmaya Gaas.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Saciid Cali Shire, ayaa sheegay in sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka loo fasaxay arimaha ciidul Fidriga maadaama ay maalmo kooban ka harsan tahay si xildhibaanada gobolada ay kasoo jeedaan ugu soo ciidaan.

Wadahadalada ka bilowday maanta magaalada Garoowe ayaa sababay dhib u dhaca ugu daran ee xildhibaanada baarlamaanka, maadaama ay ku mashquuleen go’aan ka gaarista khilaafka kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya.

Saciid Cali Shire, wuxuu sheegay iney isku soo laaban doonaan oo kalfadhiyada dib u bilaaban doonaan marka ciida laga soo laabto.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com