Mas’uul ka tirsan DF oo xil muhiima iska casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Faarax Cigaal oo ahaa Maareeye ku-xigeenka Hay’ada Saadaasha hawada iyo Socdaalka DF Somalia ayaa goordhow shaaciyay in xilkaasi uu iska celiyay.

Maxamuud Faarax, ayaa warqadiisa is casilaada u gudbiyay Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, waxa uuna Mas’uulkaasi sheegay in sababta is casilaadiisu tahay mid la xiriirta umuurihiisa gaarka ah.

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer uu Caqabado jiray u gudbiyay wasaarada iyo maamulka guud balse aan wax laga qaban taasina ay qeyb ka tahay is casilaadiisa.

Nuqul kamid ah Hadalkiisa ayaa waxaa kamid ah “Hay’ada Saadaasha Hawada iyo Civil Aviation ma ahan mid Madax banaan oo dad ayaa jira Howsha nagu haysta sidaa daraadeed waxaan Go’aansaday in aan aniga iskaga tago shaqada aan u hayay DF Somalia ”

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Is casilaada Maxamuud Faarax Cigaal, ay tahay mid salka ku heysa Musuq-maasuq lagu hayo dhaqaalaha kasoo xarooda Hay’adda oo gasha gacan shaqsiyaad gaar ah.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in sidoo kale uu is casilay maareeyihii Hay’adaasi Cali Madoobe oo ku sugan Dalka Talyaaniga.

Shaqaalaha DF Somalia ayaa ka cabanaayo musuq-maasuq ay maaliyada ku hayaan Wasiirada iyo shaqsiyaadka ku dhow dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com