Madaxweynaha GALMUDUG, GUULEED oo loo diiday inuu tago degmo maamulkiisa ka tirsan !!

Cadaado (Caasimada Online) Waxaa maalmahaan jirtay hadal heynta ku aadan in madaxweynaha maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed uu tagayo magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud si uu halkaasi ugula kulmo shacabka ku dhaqan deegaanka.

Wararka aan ka heleyno degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf dhanka maamulka degmada Caabudwaaq oo ku aadan imaanshaha madaxweynaha Galmudug ee magaaladaasi.

Diidamada ayaa la sheegayaa iney ka dhalatay maleeshiyaad deegaanka ah oo ka horyimid safarka uu madaxweynaha ku tagi lahaa magaalada Caabudwaaq ee gobolka Gagaduud.

Maamulada Ahlu sunna iyo maamulka dowlada ee degmada Caabudwaaq ayaa lagu soo waramayaa iney isku khilaafsan yihiin tagitaanka magaalada uu tagayo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Wararka ayaa sheegaya in la diyaariyay goobtii la dajin lahaa wafdiga madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, laakiin cilad dhanka qancin la’aanta ay ka taagan tahay maamulada degmada Caabudwaaq.

Ahlu sunna Waljamaaca ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug ee lagu dhisay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxayna dhankooda ay dhisteen maamulka gobolada dhexe.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa sheegaya in halkaasi uu tagaymaanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo deegaanka kasoo jeeda, waxaana uu kulamo kala duwan la qaadanayaa dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com