R/W CCC Sharma’arke oo hadal dad badan ay ka carroodeen ku qanciyay C/Weli Gaas & Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in kulan ka dhacay Madaxtooyada Maamulka lagu lafaguray arrimaha sababay Khilaafka DF iyo Puntland.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah oo u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas, ayaa waxa uu fadhigaasi Gaas kusoo bandhigay waxyaabaha uu ka tabanaayo DF Somalia.

Gaas ayaa sheegay in DF ay laqdabad ku heyso Maamulka Puntland, islamarkaana Maamulku uu go’aan ku gaaray inay jaraan xiriirka kala dhexeeya DF.

Cumar C/rashiid oo dhankiisa ka hadlaayay ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay in DF Somalia aysan awood u laheyn in Maamulka Galmudug ay u xalaaleyso Mudug, waxa uuna sheegay in taasi ay noqoneyso riyo maalmeed, mowqifkiisuna uu yahay mid kasoo horjeeda go’aankaasi.

R/W CC waxa uu Gaas ku qanciyay in Puntland ay xaq u leedahay in loo gacan galsho gabi ahaan Mudug, in laga qaado qeyb kamid ah masuuragali doonto.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Magaalada Garoowe loogu diray inuu dhex dhexaad ka noqdo muranka u dhexeeya DF Somalia iyo Maamulka Puntland, hayeeshee waxaa soo ifbaxeyso inuu u xuub siibanaayo kala geynta garabyada is khilaafsan isaga oo u batay dhanka Puntland.

Geesta kale, DF Somalia ayaan iyadu ka fiirsaneynin shaqsiga ay u dirsaneyso wada-hadalka kala dhexeeya Maamulka Puntland oo miciyo libaax la soo baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com