Warbixin: Cabdiweli Gaas oo 3 qodob sabab uga dhigay ka hor imaanshihiisa dowladda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas oo iminka ka careysan DF Somalia ayaa sheegay 3 sabab oo uu kaga hor imaanayo Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud.

Gaas waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu jecel yahay in Soomaalida ay kuwada noolaadan kala dambeyn iyo in la helo Siyaasad saldhig u ah cadaalad iyo sinaan.

Sababta koowaad ayuu ku sheegay in DF Somalia ay caado ka dhigatay heshiisyo waxkama jiraan ah, oo ay u saxiixdo Puntland, loona baahan yahay in laga salgaaro.

Sababta labaad ayuu ku sheegay in Madaxda Qaranka ay shacabka iyo Maamul goboleedyada ka dhigeen kuwo aan dareen laheyn islamarkaana ay muhiim tahay in DF la tuso in dadku ay yihiin kuwo xisaabtamaayo.

Waxa uu sababta Seddexaad ku sheegay in DF Somalia, gaar ahaan Seddexda mas’uul ee ugu sareysa ay lumiyeen xuquuqdii ay lahaayen Maamul Goboleedyada dalka, taasina ay tahay mid u baahan in la kordhiyo ka hor imaanshiyaha go’aamada Dowlada si loo saxo qaladaadka taagan oo ay Dowladu iska indha tireyso.

Waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay qaabka ay DF Somalia isaga horkeeneyso Maamulada dalka islamarkaana ay nidaamka iyo dastuurka uga dhigeyso la jiifiyaa banana la joojiyaa banana.

Dhanka kale, waxa uu si ganbasho la’aan u cadeeyay in Mowqifka Puntland ay tahay diidmada go’aan waliba oo ay DF Somalia u aragto hormar, inta laga hagaajinaayo qaladaadka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com