Ujeeddada uu Cumar C/rashiid u joogo Garoowe iyo Gaas oo sheegay inuu hal arrin ka filayo CCC

Garoowe (Caasimada Online) – Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Garowe soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ra’isal Wasaaraha oo isaga iyo Madaxweynaha Puntland si wadajir ah saxaafadda ula hadleen wuxuu sheegay in booqashadiisu salka ku hayso sidii xal looga gaari lahaa khilaafka soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Mudane Cumar Cabdirashiid wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in mad-madowga jira la sixi doono islamarkaana wax walba guul iyo is-afgarad ku soo dhammaan doonaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ka sugeyso Ra’isal Wasaaraha hal arrin oo ah inuu jawaabo waafi ah ka siiyo waxyaabaha ay ka tabaneyso Dowladda Federaalka ee horseeday in xiriirka labada dhinac soo xumaado.

Maanta ayaa lagu wadaa in xarunta madaxtooyada ee Garo0we uu ka furmo kulan saddex geesood ah, kaasoo dhex mari doona Ra’isal Wasaare Cumar iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com