Gaas oo jawaab kulul ka bixiyey tallaabadii uu qaaday Camey

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab ka bixiyey guddigii xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada Puntland ee caawa uu magacaabay ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Camey.

Qoraalka caawo ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 8 xubnood. Arrintan ayaa daba socota khilaaf ka dhex abuurmay madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa oo ku saabsan magacaabista guddiga xallinta khilaafaarka ee golaha wakiilada.

Si kastaba Gaas, ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Camey ay ka dambeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, loogana gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo Puntland.

” Waa waali, Shiddo Xamar looga soo dhiibay ayuu Puntland kula dhexjira, laakiin waxaan ku sheegaya taasi waxba kama bedelayso hanaanka doorashada, waxayna u dhacaysa doorashadu si nabad ah sidii Puntland ay hore uga dhici jirtay.” Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Mudane Gaas ayaa goor hore oo maanta dikreeto uu soo saaray ku magacaabay 8 xubnood oo guddiga xallinta Khilaafaadka, hase yeeshee waxa magacaabista diiday Eng Camey oo sheegay im aan lagala tashan.

Sidoo kale qaar kamid ah musharrixiinta ayaa shirar is-daba joog ah ka yeelanaya jawaabta ay ka bixinayan magacaabista oo ay saluugsan yihiin, inkastoo aysan weli fal-celin ka soo saarin.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com